LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Essential Skills Every Entrepreneur Needs for Success

Hordhac

Waligaa ma isweydiisay waxa ay ku kala duwan yihiin ganacsatada guuleysta iyo kuwa fashilma? Ma nasiib baa, mise waa waqtiga saxda ah, mise wax kale?

Xaqiiqdu waxay tahay in, inkastoo arrimo sida waqtiga iyo xaaladda suuqu ay muhiim yihiin, xirfadaha uu ganacsaduhu kasbado ay yihiin waxa ugu weyn ee ka dhiga mid guuleysta ama fashilma. 

Qormadan, waxaan ku eegi doonaa tusaalooyin dhab ah oo ku saabsan ganacsato caan ah oo xirfadahaan si heer sare ah u yaqaanay, iyo sidoo kale xirfadaha aasaasiga ah ee uu ganacsade kasta u baahan yahay si uu u guuleysto – sida dulqaadka iyo adkaysiga. Marka aad dhamayso maqaalkaan, waxaad heli doontaa xirfado aad ku dabaqdi karto ganacsigaaga si aad u dardargeliso safarkaaga guusha.

1. Aragti iyo Dejinta Ujeedooyin Cad Cad

Ganacsi kasta oo guuleysta wuxuu ka bilaabmaa aragti xooggan. La’aanteed, waxaad noqon doontaa qof socda oo aan meel u jeedin.

Tusaale ahaan, Elon Musk. Dadku way la yaabeen markii uu dhisay SpaceX oo uu sheegay in dadku ay u safri doonaan cirifka kale ee meerayaasha. Laakiin aragtidiisa cad — “in dadka laga dhigo noole ku nool meelo kale oo meerayaal ah” — ayaa ku sii wadaysay, xitaa markii roket-yo badan ay guuldareysteen.

Haddii uusan laheyn aragti xooggan, SpaceX waxay suuragal ahayd inay xirmato markii ugu horeysay, ama labaad, ama xitaa saddexaad.

Is Weydii: “Waa maxay aragtida cad ee aanku taagnaanayaa markay wax adkaadaan?”


2. Dulqaad iyo Adkaysi

Ganacsade kasta wuxuu la kulmaa caqabado. Lkn muhiimadu wa sidii aad uga jawaabi lahayd Caqabadahaas. 

Eeg J.K. Rowling. Ka hor intaan buuga Harry Potter la aqbalin, 12 daabacayaal ayaa diiday. Ka waran haddii ay ka quusato markii la diiday markii shanaad? Adduunku wuu waayi lahaa taxanaha buugaagta ugu iibka badan taariikhda.

Ganacsatada waxay u baahan yihiin in ay yeeshaan "Adkaysi".

Bilowga, waxaad maqashaa “maya” in ka badan inta aad maqasho “haa” – uqaado sida qayb ka mid ah safarkaaga.


3. Maareynta Maaliyadda

Uma baahnid inaad noqoto xisaabiye, laakiin waa muhiim inaad fahamto aasaaska lacagta. Oprah Winfrey waxay dhistay hanti balaadhan oo balaayiin ah iyadoo si xirfadaysan u maamushay dhaqaalaheeda.

Waxay ogayd meesha ay lacagteedu ku baxeyso, sida loo maal-gashado, iyo goorta laga fogaado heshiisyo khatar ah.

Ganacsiyo badan uma fashilmaan fikraddooda xun darteed, balse sababtoo ah lacagta ayaanay sidii larabey umaamulayn.

Talo Muhiim ah:
Lasoco markasta (Balance sheet) anba warqada xogta lacagaha lagu qoro, oo lasoco socodka lacagtaada isbuucle anba bile.


4. Dhisidda Xidhiidhka iyo Wadashaqaynta Dadka

Waxaa ganacsiga ugu muhiimsan mararka qaar, ma aha waxa aad taqaan, balse waa dadka ganacsigaaga ku xidhan.

Richard Branson wuxuu had iyo jeer yidhaahdaa, “Guusha ganacsi waxay ku xidhan tahay xidhiidhka aad la leedahay dadka.”

Laga bilaabo iskaashi, maal-gashadeyaal, ilaa lataliyeyaal,wadashaqaynta dadka waa sabab kamida sababaha ganacsi u guuleysto.

5. La-qabsiga iyo Barashada

Suuqyadu way is beddelaan. Teknolojiyadu way is rogaan. Haddii aadan la qabsan isbadaladaas, ganacsigaagu wuu dhaawacmayaa.

Netflix waa tusaale fiican.

Waxay ku bilaabatay shirkad kiraysa DVD, kadibna waxay u guurtay adeegga tooska ah (streaming), maanta waxay noqotay shirkad soo saarta filimada – oo noqotay xubin weyn oo ka tirsan warbaahinta.

Halka shirkado kale sida Blockbuster oo diiday in ay la qabsadaan ay suuqa ka baxeen.

Su’aal: “Sidee u maareyn lahayd hadii isbadalkaasi yimaado?”


6. Xirfadaha Isgaarsiinta

Inaad si cad u sharraxi karto fikraddaada, aad dad ka dhaadhicin karto, iyo inaad maal-gashadeyaal qancin karto waa Xirfad muhiima.

7. Diiradd Saarista iyo Maareynta Waqtiga

waxaa jiraya hawlo farobadan oo kusugaya suuqa ganacsiga markaa joogto laakiin kudadaal hawlaha muhiimka inaad soo horeysiiso.

Gunaanad

Qofna ganacsade kuma dhasho — waa safar barasho, tababar, iyo korriin joogto ah wata.

Xirfadihii aan ka hadalnay — aragti, dulqaad, maareynta lacagta, xiriirka, la-qabsiga, Wadashaqeynta, iyo maaraynta waqtiga — dhammaantood waa wax la baran karo.

Is Weydii:
“Midkee ayaan aad ugu fiicnahay? Midkee ayaan u baahanahay in aan ka shaqeeyo?”

Xasuusnow, xitaa ganacsatada ugu guusha badan adduunka waxay ahaayeen markay ganacsiga bilaabayeen kuwo cusub — sida aad tahay maanta.

Waxay maal-gashadeen xirfadahooda, waxay muujiyeen dulqaad, waxayna ka gudbeen caqabad kasta oo soo wajahday taasaana kadhigtay maanta ganacsigooda mid jira.

Hadaba Su’aashu waxay tahay:

Diyaar ma u tahay inaad dhisto xirfadahan kugu  hagi doona guushaada?



Post a Comment

0 Comments